Home galmudug Taliska Booliska Dowladda Oo Fariin U Diray Taliyeyaasha Cusub Ee Galmudug

Taliska Booliska Dowladda Oo Fariin U Diray Taliyeyaasha Cusub Ee Galmudug

0

Munaasabad Xil wareejin ah ayaa Maanta lagu qabtay Saldhiga Booliiska Dhusamareb waxaana Xilalka kula wareegayey Taliyaasha Cusub ee Dhowaan loo soo Magacaabay Saldhigyada Booliiska Degmooyinka Galmudug iyo Hogaanada Booliiska Galmudug.

Munaasabada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya General Cismaan C/laahi Maxamed (Kaniif), Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug , Maamulka Magaalada Dhusamareb iyo Marti-sharaf kale.

Taliyaasha Cusub ayaa Balan qaaday inay Howsha Booliiska ka sii wadi doonaan Halka wanaagsan oo ay Haatan Marayso Bulshadana ka dhigan doonaan Saaxiib dhow.

Munaasabada ayaa inta ay socotay waxaa Shahaado Sharaf lagu Gudoonsiiyey Taliyaha Xilka Wareejiyey ee ahaa Taliyaha Booliiska Dhusamareb Gaashaanle C/laahi Xasan Macalin waxaana Gudoonsiiyey Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Taas oo uu ku Mutaystay Howl karnimo iyo Cadaalad.

Ugu dambayn Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya General Cismaan C/laahi Maxamed ayaa waxa uu u Mahad celinayey Taliyaashii Shaqada horay u soo hayey Maantana Xilka wareejiyey waxa uuna Taliyaasha Cusub kula dardaarmay inay halkaas ka sii wadaan Shaqada Booliiska ee loo dhibay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here