Home galmudug Galmudug:- Taliye ku Xigeenka Booliska Somaliya oo gaaray Magaalada Dhuusomareeb

Galmudug:- Taliye ku Xigeenka Booliska Somaliya oo gaaray Magaalada Dhuusomareeb

0

Wafdi Saraakiil ah oo uu hogaaminayo Taliye ku-xigeenka Koowaad ee ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa galabta gaaray magaalada Dhusamareb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyey Saraakiil iyo ciidamo Boolis ah iyo qeybaha kale Bulshada magaalada.

Taliye ku-xigeenka koowaad ee ciidanka Booliska Soomaalyeed Sareeye guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, wuxuu kulamo la qaadan doono madaxda Galmudug iyo taliska ciidanka Booliska maamulkaas oo uu kala hadli doono sidii loo horumarin lahaa Booliska iyo tayeyntooda.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here