Home Wararka Maanta Shuruuc adag oo lagu soo rogay dadka tahriibka ku galaya Mareykanka

Shuruuc adag oo lagu soo rogay dadka tahriibka ku galaya Mareykanka

0
Maamulka Madaxweyne Biden ayaa soo saaray hindise sharciyeed adkeynaya in muhaajiriintu ay sheegtaan inay magangalyo doon yihiin wixii ka dambeeya marka bisha May ee sanadkan la qaado xayiraadaha Covid ee xadka.

Qorshaha ayaa ah in muhaajiriinta qaangaarka ah ay adeegsadaan app si ay ballan uga qabsadaan saraakiisha Mareykanka, amaba ay marka hore dal kale soo maraan kana codsadaan magangalyo kahor inta aysan soo galin Mareykanka.

Ciddii u hoggaansami weysa ayaanan loo oggolaan doonin magangalyo haddii ay soo gaaraan xadka.

Soo jeedintan ayaa la mid ah kuwii uu soo jeediyay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, kuwaasoo ay maxkamad xukuntay inaysan dastuurka waafaqsaneyn.

Maxaa laga doonayaa muhaajiriinta galaya Mareykanka?

Qorshahan, ayaa muhaajiriinta waxaa laga doonayaa inay adeegsadaan app telefoonka oo ay kula hadlayaan sarkaal ka tirsan waaxda muhaajiriinta ee Mareykanka, marka ay soo gaaraan xadka.

Kuwa aan sidaa sameyn ayaa loo aqoonsan doonaa inaysan u qalmin in magangalyo laga siiyo dalalka kale ee ay soo mareen.

Hindisahan – oo ay si wada jir ah u soo saareen Waaxda Ammaanka Arrimaha Gudaha Mareykanka iyo Waaxda Caddaaladda – ayaa oggolaan doona in si deg deg ah loo musaafuriyo muhaajiriinta aan la diwaan gelin.

Haddii la ansixiyo, waxaa la dhaqan gelin doonaa 11 May, markaas oo uu xilligiisa dhacayo Title 42 – oo ah qodobka caafimaadka degdegga ah ee xilligii Trump, ee u oggolaanayay muhaajiriinta in dib loogu celiyo Mexico.

Siyaasaddan Biden ayaa sii jireysa muddo labo sano ah, iyadoo ay suurtogal tahay in waqti dheeri ah lagu daro.

Maxaa laga yiri?

Kooxaha taageersan soo galootiga ayaa durba ka hor yimid hindisahan.

Midowga Xuquuqda Rayidka ee Mareykanka (ACLU) ayaa sheegtay inay maxkamad la tiigsan doonaan sharcigan kana hor istaagi doonaan inuu abid dhaqangalo.

Ururka ayaa qorshahan la barbar dhigay tallaabooyinkii uu hore u qaaday madaxweynihii hore ee Donald Trump, kuwaasoo ay maxkamad xukuntay inaysan dastuurka waafaqsaneyn.

Hay’adda Oxfam America ayaa tiri: “Mamnuuciddan ballaaran waxay albaabbada ka xiri doontaa muhaajiriin aan xisaab lahayn oo gudaha Mareykanka ka raadinayay ammaan iyo badbaado.”

Balse sarkaal aan la magac-dhabin oo maamulka Biden ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay: “Maamulkan ma oggolaan doono fowdo iyo kala dambeyn la’aan baahsan oo xadka ka dhacda sababo la xiriira in Kongareesku uu ku guul darreystay inuu wax ka qabto.”

Dadka ayaa heysta muddo 30 maalmood ah si ay fekerkooda uga dhiibtaan arrintan.

Ilaa 200,000 oo muhaajiriin aan diwaan gashaneyn ah ayaa bil walba isku daya inay galaan Mareykanka.

Ad
Previous articleMadaxweyne C/Wali Gaas: “Anigaa Haya Caddeynta In Somaliland Maalgeliso Al Shabab”
Next articleGolaha Aqalka Sare oo meel mariyay Sharciga Hay’adda NISA iyo Taliye Mahad Salaad oo ka hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here