Home Wararka Maanta Sayid Cali oo Gubay Xaaskiisa Oo Maantay Markale Maxkamad lasoo Tagaayo

Sayid Cali oo Gubay Xaaskiisa Oo Maantay Markale Maxkamad lasoo Tagaayo

0

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa berri oo Axad ah bilaabeysa dhageysiga dacwad loo heysto Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Ninkaan ayaa lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu sababtiisa lahaa.

Warqad ka soo baxday maxkamadda racfaanka gobolka ayaa Taliyaha booliska degmada Xamarweyne lagu faray in berri uu Sayidcali hor keeno maxkamadda.

Maxkamadda ayaa furmi doonta 9:00AM, waxaana sidoo kale taliyaha booliska degmada Xamarweyne laga dalbaday in maxkamadeynta kadib uu Sayidcali ku celiyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Bil ka hor maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayidcali, kadib markii ay cadeysay in lagu helay dilka xaaskiisii.

Kiiska Sayidcali waa kii ugu adkaa ee maxkamadaha gobolka Banaadir la horkeenay waayahaan, waxaana isha lagu wada hayaa halka uu ku dambey doono.

Ad
Previous articleHorjooge Sare oo Soo Galay Gacanta Ciidamada Galmudug ee ku sugan Baxdo
Next articleItoobiya oo Ku Hanjabtay inay Fulinayso Heshiiskii ay Lagashay Soomaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here