Home Wararka caalamka Caalamka:- Muuqaalka Ninkii ka danbeeyay Weerarkii Germalka oo lasoo bandhigay

Caalamka:- Muuqaalka Ninkii ka danbeeyay Weerarkii Germalka oo lasoo bandhigay

0

Tobias Rathjen oo 43 jir ah ayaa lagu sheegay ninkii xalay weerarka kula beegsaday magaalada Hanau ee dalkaasi Jarmalka kaas oo uu ku dilay 11-ruux oo ay hooyadii ku jirto.

Ninkan ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa kooxaha cunsuriyiinta ee ka dhisan dalkaasi Jarmalka, waxaana la sheegay in uu ka tagay farriin qoraal iyo video ah oo uu ku sababeynayo weerarkiisa.

Farriinta qoraalka ah ayaa la sheegay in sadar ka mid ah uu dhigayay in sababta uu weerarka u geystay in ay tahay “in uu doonayay in uu tir-tiro dad eysan macquul aheyn in laga musaafuriyo dalka”.

Dadka uu beegsaday ayaa u badan ajaaniib muslimiin ah, waxaana ay boolisku ku tilmaameen weerarkan mid argagixiso oo cunsurinimo ku dheehan tahay.

Saakay waaberigii oo ay boolisku galeen guri ay ninkani ku tuhunsanaayeen ayaa waxaa ay ugu tageen meydkiisa iyo meydka hooyadii.

Ninka weerarka geystay oo loo badinayo in uu keligiis ahaa ayaa markii koowaad saddex qof ku dilay baar shiishadda lagu cabo oo ku yaala bartamaha magaalada, kahor inta aanay usoo dhaqaaqin goob kale oo lagu qaxweeyo, halkaas oo ay sidoo kale uu ku dilay lix qof oo kale.

Goobta ay weerarada ka dhaceen ayaa waxaa ilaa haatan ku sugan booliska, waxaan gaafwareegaya diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ee helikobtarada.

Magaalada Hanau oo katirsan gobolka Hessen ayaa 25 kilomitir waxay dhanka bariga kaga beegan tahay Magaalada Frankfurt.

Weerarkan ayaa yimid afar maalin un kadib markii weerar kaa lamid ah uu ka dhacay magaalada caasimadda ee Berlin, halkaas oo lagu dilay hal qof.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here