Home puntland Gaalkacyo oo lagu dilay mid kamid Ah Nabadoonada ugu caansan Magaalada

Gaalkacyo oo lagu dilay mid kamid Ah Nabadoonada ugu caansan Magaalada

0

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu diley mid kamid ah mas’uuliyiinta Maamulka Magaaladaas.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ku dileen Cabdiraxmaan Nuur (Gees diir) oo ka mid ahaa Nabadoonada Gobalka Mudug sidoo kalana ahaa Guddoomiyihii laanta Shanaad Ee Xaafada Garsoor.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mas’uulkaan xilliga la dilayay sidoo kale la dhaawacay qof la socdey,kaas oo dhaawiciisa la geeyey Isbitaalka Weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Goobjoogayaal ku sugan Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ragii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaarey qaar kamid ah Ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgalla Magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo sameeyey howlgallo baaritaano ah,kaas oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilkaas,iyaga oo sheegay in uu xiriir la lahaa Ciidamada PSF-ta Puntland,waxaana weli dilkaasi ka hadlin Maamulka Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here