Home Wararka Caalamka Warshada Tamarta Nukliyeerka Ugu Wayn Qaarada Yurub oo la Duqeeyey(Sawiro)

Warshada Tamarta Nukliyeerka Ugu Wayn Qaarada Yurub oo la Duqeeyey(Sawiro)

0

Warshada tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia, ayaa gubatay subaxnimadii hore ee saaka kadib markii ciidamada Ruushka ay ku qaadeen weerar.

Warshaddan oo sameysa 25% awoodda korontada Ukraine ayaa ku taal daanta webiga Dnieper oo 700 oo kiilomitir koofur-bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

“Natiijada duqeymaha joogtada ah ee cadowga ee dhismayaasha iyo cutubyada warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia ayaa gubaneysa” ayuu yiri Duqa magaalada Dnieper Dmytro Orlov.

Ciidamada Ruushka ayaa beegsaday xaruntaasi, iyagoo gantaal ku dhuftay mid ka mid ah lixda qeybood ee warshadda, inkasta oo warar dambe ay sheegayaan in dabku uu ka bilowday meel ka baxsan xayndaabka dhismaha, isla markaana ay u muuqatay in ammaanka warshadda lasoo celinayo, sida uu maamulaha warshadan u sheegay Telefishinka Ukraine 24.

Afhayeenka warshada Andriy Tuz ayaa u sheegay telefiishanka Ukraine in dab-dhaliyaha gubanaya uu ahaa mid uu dayactir ku socday oo aanu aheyn mid shaqaya.

Ad
Previous articleKuraas uu kujiro kursi uu utartamaayo Madaxweynihii Hore ee Kooonfurgalbeed oo la Shaaciyay
Next articlePuntland Soo Bandhigtay Magacyada Musharixiinta U Tartamaaya 16 ka Kursi ee Taala Bosaaso(Aqriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here