Home Wararka Maanta Fashil ku yimid Shirkii Madaxtooyada uga socday Farmaajo iyo Rooble

Fashil ku yimid Shirkii Madaxtooyada uga socday Farmaajo iyo Rooble

0

Shirka ayaana inta aan lagu kala tegin Waxaana jiray heshiis lagaraay oo qayb ahaa la qoray Sida ilo muhiim ah ay ii xaqiijiyeen.

Hadaba Hoos ka akhriso Qodobada aan Lagu Heshiin wili.

 

1) Kiiska ikraam Tahliil ayaa qaab ahaan la isku gartay in loodaayo hay’adaha Cadaaldda iyo Amniga sida xogta aan ku helay.

Arinta Taliyaha NISA, ayaana la isku waafaqin labada Taliye ee hadda kala magacaaban, Waxaana Villa Soomaaliya ay dalbatay in la soo magacaabo taliye cusub oo heshiis lagu yahay.

Qodobka kale ee ugu xooggan ayaa ahaa in arinta Amniga la kala saaro. Madaxtooyada ayaa soo jeedisay in Amniga guud ee dalka uu mas’uulka kayahay Madaxweynaha halka Amniga doorahadana uu Madax ka yahay Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Waxaa Villa Soomaaliya ay siweyn uga hortimid Wasiirka Magacaaban ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, halka Ra’iisul Wasaare Rooble uu siweyn ugu dhigay waana meesha markii dambe lagu kala istaagay oo shirka ku bur-buray.

Villa Soomaaliya , Ayaa dhankeeda rabta in amniga la kala qaado iyada laga dhigaayo midda doorashada iyo midda guud ee dalka.

In Bashiir Goobe uusan marna noqon karin taliyaha NISA balse la keeno mid kale oo heshiis lagu yahay.

In Wasiirka Amniga ee magacaaban uusan ahayn Wasiir Sida villa Soomaliya ay iyadu xilligan doodeedu ay sal u tahay.

Rooble, ayaa si weyn ugu adkeestay in Arinta ikraam lagu sameeyo baaris.

In Wasiirka Amniga uu yahay Cabdullaahi Maxamed Nuur.

In Taliyaha NISA loo daayo Gen uu magacaabay ee Bashiir Goobe.

Ad
Previous articleHogaamiyaashii Ahlusuna oo Gaaray Galmudug
Next articleTaliyihii Hore ee Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Galmudug oo dil ka badbaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here