Home Wararka Maanta Dalka Ghana oo noqday Dalkii Ugu Horeeyey ee Caalmaka oo ansixisay...

Dalka Ghana oo noqday Dalkii Ugu Horeeyey ee Caalmaka oo ansixisay tallaalka cusub ee cudurka Malariyada

0

Dalka Ghana ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee caalamka e ansixiya tallaal cusub oo looga hortagayo Kaneecada -kaas oo la filayo in uu noqdo kan ugu waxtarka badan ee weligeed loo soo saaro kaneecada.

Xeel dheerayaasha ayaa oggolaansho siiyey ka dib markii ay baaris ku sameeyeen xogta ay ka heleen jmamcadda Oxford ee ku taalla dalka Ingiriiska -xogtaas oo aan weli la daabicin.

Cudurka Duumada ayaa disha in ka badan 600 kun oo qof caalamka sanad kasta – kuwaas oo intooda badan ay yihiin carruur ku nool afrikda saxaaraha ka hooseysa .

Cilmi baaris bilow ah ayaa muujisay in tallaalka Oxforduu keeni doono in ka badan 74% difaac laga galo kaneecada.

Adrian Hill oo ah madaxa cilmiga tallaalk ee Jaamcadda Oxford ayaa sheegay in Ghana ay bedeleyso qaabka dalalka Afrika ay u helaan tallaalka.

Ad
Previous articleFaahfaahin Dheere ah oo Kaso Baxaysa Dilka Loo Gaystay Cabdiraxmaan Cali oo Muqdisho lagu Dilay
Next articleJenaraal Biixi oo Ka Hadlay Sababta Alshabaab u joojiyeen Weeraradii Goobaha Laga Qabsado Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here