Home wararka caalamka Caalamka Xagee ayuu ku dambeeyey askarigii dadka badan ku xasuuqay dalka Thailand?

Caalamka Xagee ayuu ku dambeeyey askarigii dadka badan ku xasuuqay dalka Thailand?

0

AskarigIi dadka badan ku laayey magaalada Nakhon Ratcha-sima ee dalka Thailand ayaa la sheegay in ugu dambeyn la dilay ka dib howlgal saacado badan socday.

Jakraphanth Thomma ayaa sabtida dilay 20 qof iyadoo hubka uu weerarka ku geystay la sheegay inuu ka soo xaday xera militari.

Ninkan weerarka geystay oo farriimo ku aadddan weerarka uu geystay soo dhigay baraha bulshada ayaan weli la garan sababta weerarkaasi uu u geystay, iyadoo wasaaradda gaashaandhigga dalkaas ay ku tilmaantay inuu u ekaa qof dhimirka looga jiro.

Wasiirka cafimaadka dalkaasi, Anutin Charnvirakul, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay subaxnimadan Axadda qoraal uu ku bogaadinaya ciddamada ammaanka talaabada ay ka qaadeen magaalada waqoyiga dalkaasi ku taala.

”Waad ku mahadsantihiin booliska iyo milatariga sida aad u soo afjarteen xaaladda. ninkii wax laayeyna waa la toogtay!!!” ayuu yiri wasiirka.

Tirada dhimashada ayaa hadda taagan 20 qof halka dhaawacana uu yahay 42 kale sida laga soo xigtay saraakiisha amaanka Thaliand.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here