Home Wararka Maanta Abiya Axmed oo Markii ugu Horaysay Ka Hadlay Hadalkii Dhawaan kasoo...

Abiya Axmed oo Markii ugu Horaysay Ka Hadlay Hadalkii Dhawaan kasoo yeeray ee Soomaalida ka Caraysiiyay

0

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray, kaasi oo ku aadana damaca Itoobiya ee dhul badeed.

Abiy ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya aysan ku duuli doonin dal kale ama aysan danaheeda ku fulin doonin “dagaal” kadib markii hadallo uu horay u sheegay oo ku saabsan raadinta marinka Badda Cas ay walaac ka abuureen gobolka.

“Waxaa jirta cabsi laga qabo in Itoobiya ay duullaan qaaddo kadib dalabkeenii xoogganaa ee dhawaanahan ee ahaa inaan helno bad,” ayuu Abiy u sheegay kumannaan askari oo ku sugan Addis Ababa oo ka qayb-galayay dhoola-tus lagu xusayay maalinta ciidamada Qaranka.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in Itoobiya aysan ku raadin doonin in ay danaheeda dagaal ku gaarto, waxaa naga go’an in danta guud lagu gaaro wada-hadal iyo gorgortan.”

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka 13-kii Oktoobar, Abiy Axmed wuxuu ku sheegay in Itoobiya oo aan bad lahayn ay tahay “dal jiritaankiisu ku xiran yahay badda cas,” marin biyoodka weyn ee ganacsiga caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay inay hesho deked, isagoo intaas ku daray: “Haddii aan qorsheyno in aan nabad ku wada noolaanno, waa in la helaa qaab aan wax ku qeybsanno si dheellitiran”.

Hadalladaas ayaa waxay walaac ku abuureen dalalka deriska ah, gaar ahaan ee Eritrea oo leh xeeb dheer, waxayna wasaaradda warfaafinta Eritrea oo ku raadjoogta hadalka Abiy ay bayaan ku tilmaantay in “hadallada” gelitaanka badda ay yihin waxa ay ugu yeertay kuwa ” xad-dhaaf ah “.

Sidoo kale waxa hadallada Abiy si adag uga fal-celiyay Soomaalida, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in aysan Itoobiya kala xaajooneyn arrintaasi, halka Somaliland oo ay ku taallo dekedda Saylac oo uu carabaabay Abiy ay sheegeen in Itoobiya rabto dhul ay qaadato, sidaas darteed aysan u hayn dhul.

Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan.

Itoobiya ayaa waxay lumisay xeebteeda kadib markii Eritrea ay ka go’day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday.
Ad
Previous articleDad Ka Badan 20 Qof oo Halmar lagu Toogtay Maraykanka
Next articleDadka Diidan Hab Doorashada Xasan Shiikh Wax u Wado oo Sii kordhay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here