Home Wararka Maanta Dagaal xooggan oo ka qarxay bariga dalka Congo

Dagaal xooggan oo ka qarxay bariga dalka Congo

0

Dagaal culus ayaa ka qarxay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada jabhadda M23. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in ciidamada lagu weeraray deegaanka Bunagana oo u dhow xadka Ugandha.

Dowladda Kongo ayaa ku eedeysay Rwanda inay taageerto fallaagada – oo u badan malleeshiyada Tutsiga. Dowladda Kigali waa ay beenisay arrintaas. Laanqeyrta cas ayaa sheegtay in maalmihii la soo dhaafay dhowr kun oo qof ay ka qaxeen Bunagana una galeen Uganda.

Colaadda dib usoo cusboonaatay ayaa xumeysay xiriirka Rwanda iyo Congo. Sabtidii QM waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay joojiyaan rabshadaha.

 

 

Ad
Previous articleHeshiiskii London ee uu Farmaajo fulin waayay oo looga heshiiyay Villa Soomaaliya
Next articleGudoomiye Cumar finish oo furay imtixaanka Fasalka 8aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here