Home Wararka Maanta Dowladda Eritrea oo si kulul uga hadashay wadamo reer Galbeed ah oo...

Dowladda Eritrea oo si kulul uga hadashay wadamo reer Galbeed ah oo doonaya iney buuq ku furaan xiriirka soo wanaaagsanaanaya ee kala dhexeeya dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh

0

Dowladda Eritrea ayaa si kulul uga hadashay wadamo reer Galbeed ah oo doonaya iney buuq ku furaan xiriirka soo wanaaagsanaanaya ee kala dhexeeya dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh, kadib isbedelkii dhacay 15-kii May oo xukunka lagala wareegay madaxweyne Farmaajo.

Warbixin dheer oo lagu daabacay wakaalada wararka Eritrea ee Shabait ayaa lagu sheegay in cilaaqaadka xukuumada Muqdisho iyo Asmara uu sii xoogeysanayo, xili ree Galbeedka ay tashwiish ku furayaan xiriirkan.

“Isku xidhnaanta sii kordheysa ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhalisey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dalal reer galbeed ah. Waana  munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni,” ayaa lagu yiri warbixin dheer oo lagu daabacay Shabait.

Bayaanka ka soo baxay dowladda Eritrea oo lagu muujiyay taageero weyn oo Soomaaliya ay hore u siisay dalkaasi ayaa lagu sheegay in haatan ay xoogooda isugu geynayaan sidii kooxaha argagixisada ah gobolkan looga sifeyn lahaa.

“Wadashaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay koox yar oo jilayaal ah oo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dheeraa ee xorriyadda. labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in dagaalka  argagixisada Soomaaliya uu yahay xasilloonida, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,”ayay tidhi dowladda Eritrea.

Si kastaba, Dowladda Eritrea ayaa noqotay dalkii u horeeyay ee ciidamo Shan kun askari ah u tababarta Soomaaliya, kuwaasok sida qorshaha yahay dalka dib loogu soo celin doono lixda bil ee soo socota gudeheed.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya Oo Kenya Kala Hadashay Culeyska Ku Yimid Helista VISAHA Dal Ku Galka Kenya
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Xarriga ka jaray Madaxtooyada cusub ee Galmudug (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here