Home Wararka Maanta Ciidamada Booliska Magaalada Muqdisho oo Rag Hubaysan Soo Qabtay Xili Amniga Muqdisho...

Ciidamada Booliska Magaalada Muqdisho oo Rag Hubaysan Soo Qabtay Xili Amniga Muqdisho uu sii xumaanyay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen degmada Dharkenley ee gobolkaasi Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka degmadaasi.

Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay rag burcad ah oo ku hubeysnaa Mindiyo iyo mootooyin ay wateen, inta uu socday howlgalkaas ka dhacay degmada Dharkenley.

Taliyaha Saldhig Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan, wuxuuna sheegay in raggaan soo qabteen, xilli ay dhac u geysanayeen shacabka.

“Hadda kuwa gacanta lagu haayo habeen 3-aad ayaan ku guuleysanay inaan soo qabano meel la yiraahdo iga dabagey ayaa intooda badan kasoo qabanay waxay ahaayeen nimanka saacad kasta tooreyda dadka la dhaca oo moobeelada ka dhaca,” ayuu yiri Taliye Jimcaale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay usii gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada arrintaan, gaar ahaan maxkamadaha, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

‘Saldhiggu waa qabte, maxkamadna waa la geeyaa, annaga waan soo gudneynaa,” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

“Nimanka tuugada ah ee la haayo waxay isugu jiraan kuwa ka gacan siinaayey dhinaca mootooyinka iyo caddeymihii oo lagu haayo waad ujeediin. Shacabka mootooyinka leh waxaan uga digeynaa inay ka fiirsadaan dadka ay mootooyinka u dhiibanayaan,” ayuu yiri.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ee howlgalka sameeyay ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay nin looga shakisan yahay inuu  ka dambeeyay dil xalay isla Dharkenley, kaas loogu geystay marxuum Axmed Faarax Kaariye oo ka shaqeynayey nootaayo ku taalla halkaasi.

Taliska Galbeed ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan nin tuhmane ah, isla-markaana ay haatan ku haayaan baaris ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa sare u qaaday howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socdo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ad
Previous articleMadaxweyne Laftagareen oo u dabaaldegay Sanadguuradiisii 4aad, xili uu xaalku ku xun yahay (Sawirro
Next articleGudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Hal talo oo muhiim ah siiyey Laftagareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here