Home galmudug Maxaa ku soo kordhay doorashada Galmudug iyo Kulamo maanta socda

Maxaa ku soo kordhay doorashada Galmudug iyo Kulamo maanta socda

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan kulamo Siyaasadeed oo ku aadan doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug.

Musharaxiinta Galmudug ayaa ku jira loolan adag oo ku aadan doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug oo maanta lagu waddo in doorashadiisa ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Musharaxiinta ay dowladdu wato iyo kuwa Mucaaraadka ah ayaa kulamo gooni gooni ah la leh Xildhibaanada si ay codkooda u helaan maalinta berri ah.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana qaar ka mid ah Musharaxiinta ay walaac ka muujiyeen sidda dowladda Soomaaliya ay u maamuleyso doorashadda Galmudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here