Home Wararka Maanta Waa kuma Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland ee Taariikhda cusub dhigay?

Waa kuma Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland ee Taariikhda cusub dhigay?

0

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa loo doortay Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Wareegga kowaad ee doorashada ayuu helay 37 cod, halka gudoomiyihii hore ee golaha Cabdirishiid Yuusuf Jibril uu helay codadka ugu hooseeya oo ah 8 cod.

Ilaa afar xildhibaan ayaa u tartamayey gudoomiyaha golaha wakiilada ee Puntland, kuwaasoo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed Gabyoow oo helay 10 cod, iyo Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo helay 10 cod, hase yeeshee saddexdii mudane ee la tartamayey ayaa ka tanaasulay inay u gudbaan wareegga labaad.

Gudoomiyaha ku meel gaarka ee golaha wakiillada ee Puntland Xildhibaan Xasan Cabdalla Xasan ayaa ku dhawaaqay in Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax in uu ku guulaystay hogaaminta golaha wakiilada ee Puntland ilaa 2029-ka.

Hadal kooban ayuu Cabdirisaaq jeediyey markii lagu dhawaaqay guushiisa.

“Dhamanteen waxaan nahay hal gole, waxaana leenahay hal hadaf, waxaan doonaynaa inaan ka dhabayno masuuliyada aan qaadnay ee la inagu wada aaminay” ayuu yiri Cabdirisaaq Axmed Siciid oo la hadlayey 66ka xildhibaan ee baarlamaanka Puntland.

Waa markii ugu horeysay ee gudoomiye baarlamaan Puntland ku soo baxo wareegga koowaad iyadoo an la aadin wareega labaad.

Waa kuma Cabdirisaaq Axmed

Cabdirisaaq Axmed Siciid waxaa uu ku dhashay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag sanadkii 1983-dii

Waxbarashadiisa hoose dhexe iyo sare waxaa uu kaga baxay degmooyinka Dhahar iyo Bosaaso.

Tacliintiisa sare wuxuu ku qaatay jaamacado ku yaal dalalka Uganda iyo Talyaaniga, isagoo shahaadada kowaad ee maamulka iyo maaraynta dowliga ah ku qaatay jaamacada dalka Uganda halka shahaadadii labaad uu ku qaatay xalinta khalaafaadka iyo nabadda jaamacad ku taal Talyaaniga.

Siyaasadiisa wuxuu ka soo bilaabay heer deegaan, wuxuuna agaasime waaxeed ka noqday dowladda hoose ee degmada Bosaaso.

Waxa uu ahaa cilmi baare mashaariic kala soo shaqeeyay hay’ado caalami ah sida Bangiga Adduunka iyo Altai Consulting oo fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo wakiil ugu ahaa Puntland.

Wuxuu hogaamiyey cilmi baarisyo nabad xalinta iyo doorashooyinka oo ka badan lixdan.

Sanadkii 2019 ayuu ka mid noqday xubnaha guddiga KMG ahaa eee doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Isaga iyo guddigii uu hogaaminayey ee doorashooyinka Puntland ayaa ku guulaystay in in ka badan soddon degmo laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Cabdirisaaq Axmed Siciid waxa loo arkaa qof qunyar socod ah balse waxaa dadka qaar aaminsan yihiin in uu aad ugu dhow yahay madaxtooyada, wuxuuna ka soo jeedaa gobolka Sanaag.

Ad
Previous articleCiidamada Bada Soomaaliya oo Heegan Buuxa La Galiyay
Next articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo Markale War Xasaasi ah kasoo Saaray Xadgudubkii Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here