Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo ka qeybgalay munaasabad Caleemo saar ee Gudoomiye Dhawaan La...

Qoor Qoor oo ka qeybgalay munaasabad Caleemo saar ee Gudoomiye Dhawaan La Doortay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Balanbal ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo gudoonka cusub ee dhawwaan loo doortay degmada Balanbal.

Munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka degmada Balanbal oo dhawwaan ay doorteen golaha deegaanka ayaa sidoo waxaa ka qeyb galay golayaasha dowlada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Qoor Qoor ayaa ugu hambalyeeyay guddoonka cusub ee degmada Balanbal, isagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay.

Waxa uu sidoo kale madaxweynaha Galmudug boggaadiyay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Bangiga Aduunka uu Ka Hirgaliyay Galmudug(Sawiro)
Next articleDuulimaad toos ah oo Ka imanaaya imaaraadka oo Ka bilaaban Doona Garoonka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here