Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya Oo Goordhow Xabsiga Dhigtay Mid ka...

WAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya Oo Goordhow Xabsiga Dhigtay Mid ka Mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Soomaaliya

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in lasoo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdullaahi Maxamed Cali.

Taliska ayaa sheegay in agaasimaha lagu soo xiray waaran maxkamadeed, ayada oo la dhowrayo sareynta sharciga, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud Booliska gobolka Banaadir.

“Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta iyada oo la dhowrayo Sareynta Sharciga, Waaran maxkamadeed ku soo xiray Edeysane Cabdulaahi Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Booliska uu shaaciyay in la xiray ayaa waxaa loo haysta eedeyn culus oo la xiriirta musuq-maasuq.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa hore  agaasimahan lasoo xiray maanta ugu soo eedeeyay musuq, si loo horkeeno maxkamadda gobolka Banaadir.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli masuuliyiin ka tirsan dowladda ay u xiran yihiin xatooyo xoola dadweyne, kuwaaasi oo dhawaan la hor geynayo maxkamadaha dalka.

Sidoo kale waxaa baaritaan lagu hayaa masuuliyiin ka tirsan dowladda oo aan weli lasoo xirin, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

“Qof kasta oo masuul dowlo ah ama shacab ah waxaan uga digayaa musuq-maasuq, waxaan ula dagaalami doonaa si adag, nagamana faka doono,” ayuu yiri Xeer ilaaliye Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah musuq-maasuqa, kaasi oo aan loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda.

Si kastaba, Dowladda ayaa qorsheynaysa inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq, iyada oo dhawaan Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka.
Ad
Previous articleMuxuu yahay ninkaan maanta toorreeyda la dhacay carruurta?
Next articleSahra Buulle oo Mudo Todobaad ah Meydkeeda la layahay iyo Booliska oo Xiray Ninkii Dilkeeda ka Danbeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here