Home Wararka caalamka (Sawiro) Gantaalada Iiraan ku weerartay Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq oo lasoo bandhigay

(Sawiro) Gantaalada Iiraan ku weerartay Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq oo lasoo bandhigay

0

Dowlada Iran ayaa gantaalo culus xalay ku weerartay labo xero oo degan yihiin Milatariga Mareykanka oo kuyaala dalka Ciraaq, waxaana Iran sheegtay in weerarkaasi khasaaro badan uu kasoo gaaray ciidamada Mareykanka.

Qaar kamid ah gantaaladii Milatariga Iran ku weerartay saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ayaa qaarkood lasoo bandhigay iyaga oon qarxin, waxaa sidoo kale qarxay qaar badan oo kamid ah gantaaladii lagu weeraray xeryaha Mareykanka.

Telefishinka dowlada Iran ayaa shaacisay in 15-gantaal oo culus lagu weeraray xeryaha ciidamada Mareykanka Ciraaq ku leeyihiin Al-Asad iyo Erbil, waxaana gantaalada qaar ku dhaceen goobo ay joogeen ciidamada.

Dowlada Mareykanka ayaan wali shaacin khasaaraha kasoo gaaray weerarka Iiraan ku qaaday xeryahooda kuyaala Ciraaq, waxaana dowlada Iran horey u sheegtay in weerarkaasi ku dileen 80-askari.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here