Home Wararka Maanta Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo baxaysa

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo baxaysa

0

Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta fashiyay qarax la dhigay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa Taliska Booliska Gobolka Banaadir waxa uu sheegay inay soo qorsheeyeen Al-Shabaab, isla-markaana la dhigay daaqadda guri ku yaalla degmadaasi.

Booliska ayaa xusay in laga hortegay qaraxa, isla-markaana si nabad ah loo qarxiyay, isaga oo aan geysan wax khasaare ah.

“22-05-2023 Abaaro 09:20am Ciidanka Boliiska degmada Wadajir oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka war helay miino ay khawaarijtu dhigeen guri daaqadiis, waxaana lagu guuleystay in laga hor tago isla markaana si nabad ah lagu qarxiyo ayadoon cidna waxyeelo kasoo gaarin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan gudaha caasimada, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sugidda amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

“Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin gaarsii saldhiga kuugu dhow ama wac numberka gaaban ee 991.” ayaa markale lagu yiri warka Booliska Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay howlgal kale oo ka dhacay degmada Howlwadaag lagu soo qabtay laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu shaaciyay Booliska Soomaaliya oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalkaasi culus.

“Howlgal ka dhacay deggmada Howlwadaag  ayaa lagu soo qabtay 2 eedeysane oo la rumeysanyahay in ay Khawaarij yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab.

Ad
Previous articleMuxuu wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliya ku soo arkay Laascanood?
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho iyo Ciidamadii Sugaayay Amniga mUqdisho oo ku Geeriyooday(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here