Home wararka Dalka Gudoomiyaha gobolka Bari oo eedeeyn u jeediyay dowladda dhexe.

Gudoomiyaha gobolka Bari oo eedeeyn u jeediyay dowladda dhexe.

0

Cabdisamad Yuusuf Maxamed Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowlada dhexe ee Soomaaliya in aysan wax gargaar ah gaarsiinin dadka ay saameeyeen roobabkii dhawaan ka da’ay degaanada maamulka Puntland.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya Puntland ka hortaagan tahay in Shacabkeeda la caawiyo, isagoo sheegay in Bakhaaro ku yaalla Muqdisho ay ka buuxaan Gurmadkii loogu tala galay Shacabka.

Waxaa uu xusay in wixii Caalamku ugu soo dhiibay dowladda Soomaaliya dadka Soomaaliyeed ay isku koobtay,islamarkaana aysan ogoleyn in ay dadkeeda Caawiso.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Puntland aysan kasoo horjeedin in la caawiyo Shacabka ku dhibaateysan Gardafuu oo inta badan Wadooyinkii go’ayeen Roobab ka da’ay degaanada maamulka Puntland.

Shacabka Puntland ayuu ka codsaday in ay Ogaadaan Hagardaamo uu sheegay in ay ku heyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here