Home Wararka Maanta Turkiga oo Qaaday Talaabo Culus oo ka Dhan ah Israil

Turkiga oo Qaaday Talaabo Culus oo ka Dhan ah Israil

0

Turkey ayaa sheegtay inay xayiraado ganacsi ku soo rogi doonto Israel laga billaabo Talaadada maanta ah, sababo la xiriira dagaalka Gaza.

Xayiraadahaas ayaa waxaa ku jira badeecooyin kala duwan oo dalkaas uu u dhoofiyo Israel, oo ay ka mid yihiin shamiintada, birta iyo qalabka dhismaha.

Tallaabooyinkan cusub ayaa imanaya maalin kadib markii Turkiga uu sheegay in Israel ay xannibtay isku day ay ku doonaysay inay gargaar ugu daadiso Gaza.

“Go’aankan waxa uu sii jiri doonaa illaa ay Israel ku dhawaaqdo xabbad-joojin degdeg ah oo ay ogolaato in gargaar bini’aadannimo oo ku filan oo aan kala go’ lahayn la geeyo Gaza,” ayay wasaaradda ganacsiga ku sheegtay qoraal lagu daabacay baraha bulshada.

Qoraalka ayaa waxaa ku lifaaqnaa liiska 54 badeeco oo dhoofintooda la xanibay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa Isniintii wacad ku maray aargudasho ka dhan ah Israel kadib markii ay ka xanibtay ciidamada cirka Tukrey inay gargaar dusha sare uga soo ridaan Gaza.

Tallaabooyinka xayiraadaha ayaa waxaa ansixiyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida uu sheegay Fidan.

“Waan sii wadi doonnaa taageeradeena ilaa dhiigga ku daadanaya Gaza uu joogsado, walaalaheen Falastiinna ay gaaraan dowlad xor ah oo Falastiin ah oo caasimaddeeda ay tahay Bariga Quddus,” ayuu Erdogan ku yiri farriin uu Talaadadii diray oo la xiriirta munaasabadda Ciidul-fidriga.

Dhinaca kale, Israel ayaa wacad ku martay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Israel, ayada oo ku eedeysay “inay si hal dhinac ah u jebisay heshiisyada ganacsi ee ay la gashay Israel.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel, Israel Katz ayaa si xooggan ugu cambaareeyey madaxweyne Erdogan go’aankan.

“Erdogan waxa uu u huray danta dhaqaale ee dadka Turkiga Xamas darteed,” ayuu Katz ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

“Israel iskuma dhiibi doonto rabshado iyo baad…waxayna ka qaadi doontaa Turkiga tallaabooyin la mid ah kuwa ay qaaday, oo wax u dhimaya dhaqaalaha Turkiga.”

Israel iyo Turkey oo mar xulufo ahaa ayaa lahaa xiriir aan fadhin 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Labada dal ayaa si buuxda dib ugu soo celiyey xiriirkooda diblomaasiyadeed 202-kii, hase yeeshee wixii ka dambeeyey markii uu qarxay dagaalka Gaza October 2023, xiriirka ayaa aad u xumaaday.

Ad
Previous articleWaa Sidee Amaanka Garoonka adan Cadde kadib Digniintii ka Timid Maraykanka?
Next articleAlshabaabkii Ugu Badnaa oo lagu laayay Duleedka Degmada Xarardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here