Home galmudug Khasaaraha ka dhashay dagaal saakay markale ka dhacay Mudug

Khasaaraha ka dhashay dagaal saakay markale ka dhacay Mudug

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo saakay markale deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Mudug ku dhex-maray laba Maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka oo muddo saacado ah socday ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Towfiiq,waxaana inta la xaqiijiyey dagaalkii saakay ku geeriyooday 5 Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadka uu dagaalka dhex-maray ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan Maamulada Puntland,waxaana dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabtay.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale labada maleeshiyo beeleed waxaa uu dagaal culus ku dhexmaray deegaanka Ina diideey oo hoostaga degmada Afbarwaaqo,waxaana dagaalkaas ku geeriyooday in ka badan 17 Ruux.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ay sheegtay inay ka walaacsantahay dirirta iyo colaadaha maalmihii lasoo dhaafay kasoo cusboonaaday qeybo kamid ah Gobolka Mudug kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac,waxaana ay ku baaqday dhammaan dhinacyada ku lug leh colaaddan in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan.

Dagaalka Saaka ka bilaawday deegaano ka tirsan Mudug ayaa kusoo beegmaya xilli maanta la filaayay inay halkaa ku baxaan Odayaasha iyo Culumo udiinka Gobolka Mudug si xal looga gaaro dagaal beeleedka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here