Home wararka Dalka Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ay ka baxeen Ciidamada Jubbaland.

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ay ka baxeen Ciidamada Jubbaland.

0

Wararka laga helayo deegaano hoostaga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay isaga baxeen deegaanka Dag-allamo oo hoos taga degmadaasi Dhoobleey,isla markaana ay la wareegeen Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar waxaa ay ku qaadeen deegaankaas,waxaana la sheegay in ka hor weerarka ay Ciidamada Jubbaland,isaga baxeen deegaanka,kadib markii ay ka warheleen weerarka Al-Shabaab,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dad ku sugan Dag-allamo oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in xalay ilaa saakay gudaha deegaanka lagu arkayay xubno ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee Ciidamada Jubbaland ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose weli kama hadlin ka bixitaanka Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Dag-allamo oo  ahaa deegaan muhiim ah.

Deegaanka Dag-allamo oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa Ciidamada Jubbaland ay Al-Shabaab kala wareegeen sanadkii 2012, waxaana jiray weeraro dhowr ah oo kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here