Home puntland Gaalkacyo Maleeshiyo Weerar ku qaaday Xabsiga Magaalada Gaalkacyo Qeybta…

Gaalkacyo Maleeshiyo Weerar ku qaaday Xabsiga Magaalada Gaalkacyo Qeybta…

0

Wararka naga soo gaaraya Xabsiga Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan  Maleeshiyo beeleed iyo ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta ee Puntland ayaa weerar ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland.

Weerarka ayaa yimid ka dib markii halkaas lagu xiray mid kamid ah dadka magaaladaas, oo la sheegay in ay soo qabteen laamaha Ammaanka ee Puntland, ka dib markii uu dacweeyey wasiir katirsan Xukuumadda Puntland.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa Muddo kooban la wareegay gacan ku heynta Kontoroolada laga soo galo xabsiga Gaalkacyo ee Puntland.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyaadka hubeysan ay sheegeen in aan cidna ka bixi karin soona galeynin, ilaa lasoo daayo maxbuuska ay soo xireen ciidamada Ammaanka.

Xiisadda ka dhalatay ruuxa la xiray ayaa wali ka taagan Magaalada Gaalkacyo, waxaana Ciidanka Amniga Puntland ay sheegeen in aan ruux lasii deyn doonin ilaa Maxkamad la geeyo,maadaama dambi loo heysto.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here