Home Wararka Maanta Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Farey oo u jawaabay Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin...

Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Farey oo u jawaabay Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo Xarardheere ka sheegay arin Yaasin Farey Dhibsaday

0

Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Farey ayaa u jawaabay Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo Xarardheere ka sheegay inay xorey doonaan degmooyinkii dhawaan laga baxay ee Ceeldheer iyo Galcad, ilaa Ceelbuur.

Yaasiin Farey oo soo saaray qoraal dheer ayaa sheegay in deegaanadaas ay xoreysa doonaan dadkii u dhashay oo u diyaarsan inay la dagaalamaan argagixisada.

“Deegaanada Bariga Galgaduud iyo Mudug waxaa u taagan oo xureynaya dadka u dhashay, ku dhashay, iyo kuwa matala oo kaashanaya CXD Soomaaliyeed,waana uga mahad-celineynaa garabka ay siinayaan bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay u ciribtirayaan Khawaarijta,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray “Hadalka kasoo yeeray Axmed Macalin Fiqi ma aha mid ka turjumaya, loo akhrin karo ama loo fasiran karo abaabul bulsho, mas’uuliyad iyo mowqifka dib u xureynta, waa kala qeybin bulsho iyo kala dhantaalida juhdiga socda.”

Sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa qoraalkaan ku yiri “Hadalka Fiqi waxa uu lamid yahay qadafyadii uu ku suntanaa sooyaalkiisa siyaasadeed ee ahaa ‘No More Reer Hebel, iyo ijaafooyinkii uu hore ugu geystay Ciidamada Qaranka guud ahaan’ si gaar ah ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay sifooyin aan u qalmin oo sharaf dhac ku ah”.

Yaasiin Farey ayaa ku dooday in dadka deegaanadaas ay waayo badan ku soo jireen halgan adag, isla markaana aysan u qalmin hadalo niyad jab ah, isagoo rajo ka muujiyey in mar dhow uu guuleysa doono halganka ay ku jiraan dadka dega bariga gobolka Galgaduud.

“Marnaba uma qalmaan dadka xaq u dirirka ee dhiigooda shubayey 14 bilood iyo CXDS in hadalo meel ka dhac ku ah ay ku hadaaqaan siyaasiyiinta uu ka lumay bartilmaameedka iyo jeheeynta dib u xureynta dalka. #Halgankuwaa guuleysanaa,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Ad
Previous articleMuxuu Achraf Hakimi ka yiri dhul gariirkii saameynta badnaa ee ka dhacay dalkiisa Morocco?
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Deegaanada Galmudug ee Alshabaab laga Saaray iyo kuwa Kaabiga Lagu Haayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here