Home Wararka Maanta Sargaal Ka Tirsanaa Ciidanka Amniga oo lagu dilay Muqdisho iyo Ninkii dilay...

Sargaal Ka Tirsanaa Ciidanka Amniga oo lagu dilay Muqdisho iyo Ninkii dilay oo la qabtay

0

Askari katirsan ciidanka dowladda ayaa maanta xaafada Gubta gaar ahaan waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile ku dilay taliyihii ciidanka booliiska ee Waaxdaasi, halka askari kalana uu dhaawac u geestay.

Sida aan wararka ku helnay askariga dilka geestay iyo sargaalka la dilay ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf, waxaana askariga uu rasaas huwiyay taliyihiisa iyo askari kale oo la joogay.

Askariga ayaa dhoor xabadood ku dhuftay  taliyihiisa booliiska Waaxda Barwaaqo oo magaciisa lagu soo koobay Calas, waxaa sidoo kale rasaastaasi ku dhaawacmay askari kale oo isna katirsanaa ciidanka booliiska.

Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka geestay xilli uu isku dayya in uu baxsado, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in sargaalka la dilay iyo askariga dilka geestay ka dhaxeesay wada shaqeyn dhaw.

 

 

Ad
Previous articleWasiirada Galmudug oo anxiyay in Baxdo ay noqoto Degmo ka Tirsan Galgaduud
Next articleWarbaahinta Israa’iil oo qoraysa in madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu baarlamaanka kala hadlo xiriirka Israel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here