Home Wararka Maanta Waa maxay Jawaabtii uu sheekh Umal ka bixiyey eedeyntii uu Culimada u...

Waa maxay Jawaabtii uu sheekh Umal ka bixiyey eedeyntii uu Culimada u jeediyey Ra’iisul Wasaare Xamse?

0

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay muxaadaro Diini ah ayaa ka falceliyey hadal uu dhawaan sheegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Culimada ugu yeeray inay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ay u galaan si dhamaystiran.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Bare ayaa sheegay in loo baahan yahay in culimadu xaga afkaarta ka hogaamiyaan dagaalka dowladdu kula jirto Al-shabaab ee hogaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Xamse ayaa intaa ku daray in haddii culimadu qaar ka cabsanayaan inay doorkaas qaataan oo masaajidada kala hadlaan shacabka ay ku wareejiyaan kuwa dhiiran oo dagaalka Al-shabaab si furan ugula jira ee furimahana taga.

“Ma ila haboona mana ila qurux badna in masaajid ay ku soo tukanayaan dhowr boqol qof inaan Khadiib ka noqoto adoo sheekh ah oo aan waxba ka sheegin Al-shabaab, aniga waxay ila tahay inaysan haboonayn, cabsi ha u gayso ama dareen la’aan ha u gaysee arintaas muraajico ayey u baahan tahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in culumada cabsidu hayso uu masaajidada u baneeyaan kuwa geesiyaal ah oo aan cabsanayn si ay dadka ula hadlaan.

Sheekh Umal oo ka hadlay hadalkii Ra’iisul Wasaare Xamse

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka jawaabay hadalka Ra’iisul wasaraaha ayaa sheegay in waayadii danbe ay soo badanayeen marka siyaasiyiintu xilalka qabtaan inay xag xagtaan culimada.

Muxaadaro uu jeediyey Sheekh umal ayuu si adag u diiday inaysan culimadu ka aamusin waligood dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo ay hore u cadeeyeen mowqfika diimeed ee kooxdaasi.

“Waxaan arkayey Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo culimada maagaya oo wax qalada ku maagaya, marka siyaasigu iska yimaado inuu culimada iska maago oo iska xag xagto dhaqan bay u tahay” ayuu yiri Sheekh Umal.

Sheekh Umal ayaa madaxda u sheegay in ay banaanka u soo baxaan oo shacabka dhexgalaan, wadajirna loola dagaalamo Al-shabaab.

“Madaxda iyaga laftooda saraha ku jira ee ciidamadu waardiyeynayaan ee ku socda gaari aanay xabaddu karin marna garoonka ka baxaya marka ciidan ku wareegsan yihiin iyagay tahay inay hadalkaas is dhahaan” ayuu intaas raaciyey sheekh Umal.

Sheekh Umal ayaa sheegay in culimadu ilaa soo if bixidii kooxda ay ka hadlayeen oo aysan ka aamusin.

“ Intaa saaxiga nala timaadan oo dadweynaha dhex timaadaan oo waardiyaha iska daysaan halkaa aan Al Shabaab dagaalkooda ka wada galno oo aan isla dhimano ama isla noolaano, laakiin adigoo halkaa ku jira inaa tiraahdo khatar isku dhig hadaa isku dhigi waydo masaajidka wareeji ood na maagto saxna maaha garna maaha waana mid ay siyaasiyiintu waayadan caadaysteen” ayuu yiri Sheekh Umal.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheekhu sheegay in culimo badan lagu dilay iyagoo afkaartaas caddayna, iyagoo aan haysan cid ilaalisa. Wuxuu sheegay in culimadu doorkoodu cad yahay ilaa xiliyadii hore.

“Wadaadkii lafihiisa u baqa masaajidka uu joogo oo wixii kale oo uu sheegi karo sheega, meeshan khatarta ahna is yiri haddaad gasho ama waad carari ama waa lagu diliye intan gacanta ku hay in la yiraahdo intaanna faraha ka qaad oo carar sax maha, in la yiraado isu dhigna sax maha” ayuu intaas raaciyey.

Sheekh Umal ayaa xusay in marka arrintan oo kale timaado wadaadku xaq u leeyahay labo ruqso “inuu go’aan qaato oo naftiisa halis galiyo xaq buu u leeyahay iyo inuu maslaxo kale arko”.

Doorka culimada ayuu sheegay inuu cad yahay laakin wuxuu ku dhaliilay madaxda inay iyagu taangiyo gadaasha kaga jiraan culimadana ku eedeynayaan hadallo aan gar ahayn.

Sidan oo kale ayaa Sheekh umal hore u jeediyey khubado uu ku dhaliilay qaar ka mida siyaasiyinta Soomaalida oo sheegay inay galeen khaladaad u baahan inay ka laabtaan

Qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka, iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin uu hore uga hadlay Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Ad
Previous articleDadka ugu Badnaa oo lagu eedeeyey Dagaalkii Dhawaan ka Dhacay Dhabeelada Dhexe oo Xabsi lagu Guray
Next articleXamaas oo Dishay Sarkaal sare oo Israa’iil ah oo Hogaaminaayay Dagaalka Dhulka ee daanta galbeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here