Home Wararka Maanta Kulan Xasaasi ah oo Xalay dhax maray Xasan Sheekh iyo Sheekh...

Kulan Xasaasi ah oo Xalay dhax maray Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Maxay kawada Hadleen?

0

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka dhacay kulan albaabada u xirnaayeen oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka labada madaxweyne u dhaxeeya ayaa looga wada hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan gaar ahaan heshiiskii ay gaareen golaha Wadatashiga Qaran ee muddo kororsiga loogu sameeyay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Sheekh Shariif ayaa la sheegay in madaxweynaha kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin  arrimaha dastuurka, hannaanka doorashooyinka, muddo kororsiga, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, arrimaha la dagaallanka argagixisada, arrinta Gedo, colaadda Laascaanood iyo colaadaha kasoo cusboonaaday qaybo ka mida gobollada dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo dhawwaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan uu la yeelanayo siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda, kuwaa uu kala hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo cadeeyey mowqifkiisa muddo kororsiga Golaha Wadatashi Qaran iyo Wax ka Badalka Dastuurka Galmudug
Next articleBooliiska oo Muqdisho ku qabtay nin gabar maalmo badan Afduub ahaan u heestay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here