Home Wararka Somaliya Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho iyo Gudoomiyaha Barlamaanka oo ka hadlay

Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho iyo Gudoomiyaha Barlamaanka oo ka hadlay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxammed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Xildhibaan hore marxuum Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale)  oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho, waxaana uu marxuumka alle uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan ehelkana,qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun marxuum Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale illaahey qabrigiisa ha u waasiciyo,kitaabkiisana gacanta midig haka siiyo,wuxuu ahaa oday soomaaliyeed,nabadoon ah mudo badan waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed,illaahey ha u naxriistee marxuum Afaraale intii uu noolaa waxa uu wakhtigiisa ugu badan geliyay u adeegida dadka iyo dalka Soomaaliyeed,ilaahey hoygiisa janatul fardwosa haka yeelo qoyskiisa,qaraabadiisa iyo dhamaanteenaba samir iyo iimaan allaha ha inaga wada siiyo”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Illaahey ha u naxriistee Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa ahaa siyaasi mudo badan ku jiray siyaasadda isagoo inta badan dowladihii dalka soo maray burburkii ka dib ahaa Xildhibaan baarlamaanka soomaaliya ka tirsan waxa ay deegaan doorashadiisu tahay maamulka Koonfur galbeed isagaa si gaar ah u matalayay Degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool oo uu kasoo jeeday.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan hore marxuum Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa xanuunsanaa  mudooyinkii ugu dambeeyay,waxaana uu ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer oo xaaladiisa lagula tacaalayay.

Ad
Previous articleRaisal Wasaaraha Denmark oo ku Dhawaaqday Doorasho Cusub oo ka dhaceysa Dalka
Next articleMadaxweynaha Puntland oo Garoowe kula kulmay Wafdi ka socda Kuwait

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here