Home Wararka Somaliya Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka Dalka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka Dalka

0

a’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlaha horyaalla Guddiga Amniga, isla markaana ay u xaqiijn lahaayeen  hannaanka amniga ee doorashada dalka iyo goobaha ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xasuusiyay xubnaha guddiga amniga masuuliyadda adag ee loo xil saaray in ay u gutaan si mas’uuliyadi ku dheehan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha  dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa leh masuuliyadda hoggaaminta hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan kor joogteynta iyo la xisaabtanka guddiyada kala duwan ee ka shaqaynaya doorashada.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka  ay qabanayaan ee ay ka mid tahay in  goobaha ay ka dhaceyso doorashada la geeyo ciidammo Booliis ah oo isugu jira heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Booliiska AMISOM.

Ad
Previous articleWaa Maxay shuruudaha Looga baahanyahay Xubnaha ka mid noqonaya Gudiga doorashada Senatarada ka soo baxaya Degaanada Galmudug
Next articleCiidamada amaanka Galmudug oo xalay Howlgallo xoogan ka sameeyay Galkacyo (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here