Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidmada Dowlada oo La Wareegay Degaan ka Tirsan Galmudug oo Alshabaab mudo...

Ciidmada Dowlada oo La Wareegay Degaan ka Tirsan Galmudug oo Alshabaab mudo Haysteen

0

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan DANAB iyo GorGor ayaa saaka magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud kala wareegay kooxda Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada weerar dhowr jiho ah ku qaadeen magaaladaasi.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in si nabad-gelyo ah kula wareegeen degmada Galcad, iyada oo Al-Shabaab-kii ku sugna ay ka carareen magaalada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in haatan ay ciidamada xoogga dalka ay bilaabeen baaritaanno lagu xaqiijinayo amniga magaalada Galcad ee gobolma Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay, loona sii gudbi doono deegaanada kale ee gobolkaasi.

“Wixii markaan ka dambeeya waxaa loo gudbi doono deegaanada kale ee (Al-Shabaab) ay ka joogaan gobolkaasi iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri General Odowaa Yuusuf Raage.

Degmada Galcad ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Al-Shabaab oo la wareegay markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka isaga baxeen, waxaana hadda xaaladda degmada Galcad ay tahay mid degan.

Dadkii deganaa degmada Galcad ayaa lagu soo waramaya inay badi isaga baxeen kadib markii ay ku amreen kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda degmada gacanta ku haya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.

Galcad oo kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Galgaduud ayaa waxay ciidamada dowladda isaga baxeen horaantii sanadkaan kadib markii ay la wareegeen, markaas uu ka dhacay weerar qaraxyo ku billowday oo ay ku qaadeen Al-Shabaab, kaasi oo uu ku geeriyooday taliyihii ciidanka DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac-dheera Xasan Tuure.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan shiikh iyo Muuse Biixi oo kulmaaya
Next articleAlshabaab oo Dagaal Culus ku Dhexmaray Degmo ka Tirsan Galmudug Xili Ciidamada Dowladu Kaabiga Ku hayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here