Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Aadan Madoobe(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Aadan Madoobe(Sawiro)

0

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) .

Kulankan dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ahaa mid ay uga wadatashanaayaan xilligaan kala guurka ah ee dalku ku jiro tallaabooyinka laga maarmaanka ah in ay qaadaan.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa isla gartay in la dedejiyo munaasabada xil wareejinta si loo guda galo qabashada shaqooyin badan oo hakad ku jiray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada kulamo wadatashi ah uu la qaadanayo masuuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxa uuna Madaxweynaha doonayaa in uu dhiso dowlad furan si dalka looga samata bixiyo xaaladaha uu ku jiro.

Ad
Previous articleP.M Rooble oo Dardaaran Cajiib ah Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleSadaam: Xasuusta Qofkii aan Dilay ayaan Xabsiga uga jiri la’ahay’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here