Home Wararka Somaliya Dhageyso:-Taliye Xijaar amar ku socda Saraakiisha & Ciidamada Booliska oo Dowlada kasoo...

Dhageyso:-Taliye Xijaar amar ku socda Saraakiisha & Ciidamada Booliska oo Dowlada kasoo baxay

0

Iyada oo mararka qaar ay jirto cabasho Shacaba ku nool Magaalada Muqdisho ay ka cabanayaan Ciidamada ku sugan Baraha Koontorool ee laga soo galo Magalada Muqdisho iyo kuwa ku yaal gudaha Magaalada ayaa waxaa arrintaasi ka jawaabay taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee ku sugan baraha Koontorool ee Magaalada Muqdisho looga baahan yahay inay si wanaagsan ula dhaqman dadka Shacabka ah.

” Ciidanka Booliska meel kasta oo uu joogo waxaan amrayaa inay shacabka wakiilka ka yihiin si wanagsan ula dhaqmaan, suuqa, Koontoroolada, saldhigyada, laamiyada, Boolisku wuxuu yahay ilaaliyaha Shacabka ayuu yiri” Taliye Xijaar.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Ciidamada ay u naxariistaan dadka Shacabka ah, gaar ahaan kuwa da’da ah iyo Dumarka wadooyinka isticmaalaya.

Ad
Previous articleCiidanka Dowlada oo sameeyay howlgal lagu qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab
Next articleMaxkamadda Sare ee Mareykanka oo soo saartay go’aan ka dhan ah Dadka ajaanibta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here