Home Wararka Maanta Musharixiinta Mucaaradka Koonfurgalbeed Oo Shuruudo Cusub Ku Xiray Ka Qeyb Galka Shirka...

Musharixiinta Mucaaradka Koonfurgalbeed Oo Shuruudo Cusub Ku Xiray Ka Qeyb Galka Shirka Baydhabo.

0

Waxaa soo shaac baxay khilaaf cusub oo hareeyay shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed, kaasoo qorshaha uu yahay inuu furmo Shanta bishan oo ku beegan maalinimada Khamiista.

Warqad loo diray gudoomiyaha golaha shacabka ayaa looga dalbaday fulinta saddex qodob si mucaaradka ay qeyb uga noqdaan shirka Baydhabo oo ah mid dib u heshiisiin loogu sameynayo Siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulkaasi Koofur Galbeed.

Midowga musharixiinta mucaaradka ah ee Koofur Galbeed ayaa kahor-yimid guddigii farsamo ee todobada xubnood ka koobnaa, kuwaasoo uu kowdii bishan magacaabay gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo mucaaradka ay sheegeen inaan wax wadatshi ah lagala sameyn guddiga oo ay sheegeen in garabka Lafta-gareen xubno laga siiyay oo kaliya.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inaan wali la fulin balanqaadyo hore uu ugu sameeyay gudoomiyaha golaha shacabka, kuwaasoo qeyb ka ahaa in ciidanka Koofur Galbeed laga saaro guryaha mucaaradka ee magaalada Baydhabo iyo in talaabo laga qaado saraakiishii ku lugta leheyd weerarkii dhawaan ka dhacay Baydhabo, maxaabiista laheystana dib xoriyadoosa loo siiyo.

Waxaa taagan cabsida in dib u dhac uu ku yimaado shirka, iyadoo laga yaabo in todobaadka danbe uu shirka furmo, si maalmahan xal loogu raadiyo cabashada mucaaradka oo qeyb muhiima ka ah qabsoomida shirkan.

Ad
Previous articleGalmudug oo Diyaarisay Ciidamo badan oo Dhawaan ku wajahan Degmooyinka Ceelbuur iyo Xarardheere (Sawirro)
Next articleWeerar Culus oo Lagu Qaaday Saldhig Ciidamadda Somaliland Ay Ku Leeyihiin Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here