Home Wararka Maanta Nin waxyaabaha qarxa mooto bajaaj ku waday oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Nin waxyaabaha qarxa mooto bajaaj ku waday oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

0

Ciidamada booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa maanta xaafada War-laliska ee degmada Dayniile ku qabtay nin nin ay sheegeen in uu waxyaabaha qarxa mooto bajaaj ku waday.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo Xasan Nuur Cali oo ay sheegeen in Al Shabaab katirsanaa, waxa ayna xuseen in ninkan qaraxa uu waday doonayay in ay dad shacab ah ku dhibaateeyo.

Qaraxa miino uu waday ninkan booliiska gacanta ku dhigeen ayaa isla goobtii lagu qabtay qarxiyay, waxa ayna booliiska xarunta CID-da u wadeen ninkii ay qabteen.

Ciidamada booliiska ayaa howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo kawada qeybo kamid ah Muqdisho, waxa ayna booliiska isbuucii hore qarxiyeen miino kale oo lasoo dhigay hareeraha laamiga Dayniile.

Ad
Previous articleMidowga Yurub oo Malaayiin Dollar ugu deeday degaanadii dhowaan laga saaray kooxda Al-shabaab
Next articleWaa sidee xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Maantay Baajiyay Howlihiisa Doorashada?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here