Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka damqaday xaalada Xaawa Cabdullaahi Nuur oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo xaamila ah islamarkaana loo heesto qaan lacageed oo dhan 52,000.
islamarkaana muddo dhowr bilood ah ku xirneed xabsi ku yaala degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta bixiyay lacag dhan 20,000$ (Labaatan kun oo dollar) oo uu ugu talagalay bixinta qeyb kamid ah qaanta lacageed ee loo heesto Hooyo Xaawa.
waxa haatan muuqata in ay u keceen bulshada Soomaaliyed si wax looga qabto xaaladeeda caafimaad lagana caawiyo arrinta lacaga lagu leeyahay.
Xaawo waxay wali ku sugan tahay saldhigga booliska ee magaalada Guriceel, waxaana la sheegay in boolisku u ogolaadeen warbaahinta inay la kulmaan.