Home Wararka Maanta Urur goboleedka IGAD oo war kasoo saaray xaaladda Laascaanood

Urur goboleedka IGAD oo war kasoo saaray xaaladda Laascaanood

0

Urur goboleedka IGAD oo ka warbixinayay xaaladda gobolka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda magaalada Laascaanood.

“Xiisadda Laascaanood waxay noqotay arrin walaaceeda leh oo horseeday inay tiro dad ah ay ku dhinteen halka khasaare kalena uu ka dhashay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay IGAD.

Ururkan ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay ku howlan tahay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa xiisadda.

IGAD ayaa sidoo kale u mahadcelisay in dadaallada nabadeed ee uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aadan joojinta colaadda Laascaanood.

Bayaanka kasoo baxay IGAD ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ka shaqeeyaan xaqiijinta amniga, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Ad
Previous articleMadaxweyne Wilyam Ruuto oo Shaaciyay Qaabka Lagu Soo Afjari karo Alshabaab
Next articleWaxay Qiratay Dilka Walaalkeed, Maxkamada Solna ee Dalka Sweden oo Xukun ku Riday Maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here