Home Wararka Caalamka Toogasho ka dhacay Guriga Dabaq ah oo ku yaal Magaalada Eskilstuna ee...

Toogasho ka dhacay Guriga Dabaq ah oo ku yaal Magaalada Eskilstuna ee Sweden

0

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dhowr xabadood lagu weeraray guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Eskilstuna, xalay fiidkii.

Booliisku ma aysan helin wax dhaawac ah oo ka dhashay dhacdadaas, iyadoo ay taasi jirto, dhacdada waxaa loo baarayaa isku day dil.

Inkastoo booliisku uu xaqiijiyay, in qofna loo qaban ama laga shakinin.

Waxaa goobta joogay ciidamo booliis ah oo aad u xoogan, waxaana afhayeenka booliska ee saxaafada Tommy Thorngren uu yiri,

“Dad badan ayaa joogay goobta markii aan gaarnay…Shaqadeenu hadda waa in aan aruurinno macluumaadka markhaatiyaasha intii suurtagal ah.”

Dhanka kale Qof ayaa loo qaaday isbitaal ka dib markii lagu toogtay magaalada Helsingborg, xalay.

Sida laga soo xigtay booliska, nin 25 jir ah ayaa la toogtay, waxaana loo qaaday isbitaalka gaari gaar ah, halka wargeyska Aftonbladet uu qoray in ninka la toogtay dhowr xabadood, lagana daweynayo dhaawac halis ah.

Xigasho : policeen.se

Ad
Previous articleQODDOBo laga soo saaray shir DF iyo maamulada uga socday Muqdisho
Next articleGermalka oo soo saaray Tirada Dadka uu ka Musaafuriyay Dalka Sanadkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here