Home Wararka Maanta Hogaamiyaha TPLF oo Codsaday in Ayaga iyo Dowlada itoobiya lasoo kala Dhexgaalo

Hogaamiyaha TPLF oo Codsaday in Ayaga iyo Dowlada itoobiya lasoo kala Dhexgaalo

0

Hoggaamiyaha Maamulka TPLF ee gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa Qaramada Midoobey u diray Warqad uu ku dalbanayo in la kala dhex galo iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili ay dhowaan dib u qarxeen dagaaladii u dhexeeyey ciidamada Itoobiya iyo falaagada TPLF ka dib markii ay burburtay xabad joojin shaqeyneysay muddo shan bilood ah

Debretsion oo qoraalkiisu ku taariikheysnaa 7da September 2022 ayuu kaga hadlay qodobo ay kamid yihiin xabbad joojin iyo in xal waara loo helo colaadda dhextaal iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Hoggaamiyaha Maamulka TPLF ayaa sidoo kale dalbaday gargaar bini’adanimo in lala soo gaaro shacabka gobolka Tigray oo uu sheegay iney dhan walba ka go’doomisay dowlada Itoobiya.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoorqoor oo Wareegto ku Magacaabay Gudoomiye cusub (Akhriso)
Next articleQoorQoor oo saakay U safraaya Magaalada Muqdisho Kadib Doorashadii Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here