Home Wararka Maanta Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Milateriga Soomaliya oo Muqdisho lagu Dilay

Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Milateriga Soomaliya oo Muqdisho lagu Dilay

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay fiidkii ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Qofka la dilay oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamadda Milatatiga waxa uu dilkiisa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Goleey , iyadoo xiliga la dilayay uu ku sugnaa goob dukaan maqaaxi ah oo uu isaga lahaa.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay Maxamed Dheere dilkiisa ay geysteen saddex dhalinyara ah oo Bistoolado ku hubeysan, kuwaasoo dilka kadib ay ku baxsafeen gaari nooca raaxada ah.

Dilalka ay geysanayaan kooxaha bistooladaha ku hubeysan ayaa kusoo badanaya degmada Kaxda, waxaana habacsanaan laga dareemayaa amniga degmadaas, xili isbedel maamul dhawaan lagu sameeyay degmadaasi.

Ad
Previous articleMaxkamad xukun ku riday rag loo heysto geerida 298 qof oo la socday dayuurad la soo riday
Next articleNISA oo hoos u dhigtay shaqadii booliska Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here