Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu Soo laabtay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu Soo laabtay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, kadib safar shaqo oo maalmihii tagay uu ku joogay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay dhigiisa Madaxweynaha DKG mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Xildhibaanada labada aqal ee BFS la doortay iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdiisa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur, Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid, Duqa caasimaadda, wasiiro iyo xildhibaano katirsan labada gole ee Dowladda Galmudug

 

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo War kasoo Saaray Kuraasta laga Wareejiyay Garbahaareey
Next articleBeesha caalamka oo Soo dhaweysay dhaarinta Xildhibaanada cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here