Home Wararka Maanta Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo Kusoo laabtay Muqdisho kadib Shirkii Ka dhacay...

Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo Kusoo laabtay Muqdisho kadib Shirkii Ka dhacay Garowe

0

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garawe.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe waxaa kasoo sagootiyay Farmaajo iyo Sheekh Shariif Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland, wasiirro iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Puntland.

Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa Garawe uga qeyb galay shir wadatashi ah looga soo horjeeday wax ka bedelka Dastuurka KMG ee Soomaaliya oo dhawaan la filayo in xildhibaanada labada Aqal ee meel mariyaan.

Shirka ka dhacay magaalada Garawe oo xalay war-murtiyeed laga soo saaray ayaana looga soo horjeestay wax ka bedekla Dastuurka xilligan, waxa ayna madaxda shirtay digniin adag u direen madaxda dalka ugu sarreysa.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay Shir arrin muhiim ah looga hadlay(Sawiro)
Next articleRuushka oo looga dhawaaqay maalin baroordiiq qaran ah kadib Xasuuqii Daacish ka Gaystay Dalkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here