Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Ciidankii ugu Horeeyey ee Gurmad ah u Dirtay Degaanka Yasooman...

Galmudug oo Ciidankii ugu Horeeyey ee Gurmad ah u Dirtay Degaanka Yasooman ee Hiiraan(Sawiro)

0

Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, guutada 15-aad ee qaybta 21-aad oo kasoo dhaqaaqey fariisimohooda gobolka Galgaduud ayaa soo gaarey deegaanada Yasooman iyo beero-yabaal ee gobolka Hiiraan si ay gacan kaga gaystaan howlgalada gobolka ka socda ee ay kuwada jiraan Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka.

Galmudug oo ay uu tahay markii labaad ee ciidamada fariisimohoodu halkan yihiin u gurmadaan dadka reer Hiiraan ayay hore kaga bexeen Dhuusamareeb Ciidamada ururka 3-aad ee Gorgor oo fadhi rasmi ah ka dhigtey Yasooman, qaybna ka qaatey dib ugu laabashada deegaankan.

Taliyaha guutada 15-aad ee qaybta 21-aad Gaashaanle Cabdifataax Haruuuse Daahir oo hoggaaminta ciidankan ay ku wehliyaan Taliye kuxigeenka guutada Gaashaanle Xirsi Cali Quuri, Taliyaha ururka 72-aad ee guutada 15-aad Gaashaanle Cabdulaahi Dhimbil, gudoomiyihii hore ee Degmada matabaan Maxamed dhoobeey Maxamuud iyo saraakiil sare oo qaybta 21-aad ka tirsan sida Col. Xuseen Salaad Ibraahim ayaa si dhiiran ugu safrey masaafadaasi dheer si ay u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran ilaalinta nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed ee Argagaxisadu duulaanka ku tahay.

Ad
Previous articleFaroole oo si wayn uga hor yimid go’aano xalay lagu gaaray Madaxtooyada Puntland
Next articleBoliiska Somaliland oo Hargeysa ku xiray haweeney ku kacday fal laga argagaxay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here