Home Wararka Somaliya Jubbaland Dowlada Soomaaliya oo Maantay Maamulkii Axmed Madoobe Magacaabay Ka Dajinaysa Gobalka Gedo

Dowlada Soomaaliya oo Maantay Maamulkii Axmed Madoobe Magacaabay Ka Dajinaysa Gobalka Gedo

0

Dawladda Soomaaliya, ayaa Maantay qorsheynaysa in ay awood ciidan ku geyso magaalada Garbahaaray ee gobalka Gedo, maamulka uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), kaas oo ay kasoo horjeesteen dadka deegaanka.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahaaray ayaa la qorsheynayaa in ay ka dagto diyaarad gaar ah, oo ka soo duulaysa Muqdisho, taas oo ay ka wada shaqeynayaan Madaxtooyada Federaalka, Wasaaraddaha Amniga, Arrimaha gudaha iyo Hay’adda Nabadsugida.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Taliska guutada 10-aad ee qeybta 43-aad ee gobalka Gedo la amray in ay soo dhaweeyaan xubnahan cusub.

Ad
Previous articleCiidamada Darawiishta Iyo Koonfurgalbeed oo Dagaal Qaraar ku Dhexmaray Baraawe
Next articleSwedan oo Jaraysa Ceyrtii Faraha Badnayd ee Soomaalida Soo Galootiga ah Siin Jirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here