Home Wararka Maanta Puntland oo ku baaqay in si isku mid ah loola dagaalamo Al...

Puntland oo ku baaqay in si isku mid ah loola dagaalamo Al Shabaab iyo Somaliland

0

Maamulka goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland fulinta dilal kala duwan oo ka dhacay gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood, kuwaa oo loo geestay dad wax gal u ahaa bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland dilalka ka dhaca magaalada Laascaanood, waxa uuna sheegay in Somaliland sidii Al Shabaab in dadka u dilaan.

Waxa uu sheegay wasiirka in Somaliland iyo Al Shabaab yihiin kuwa isku mid ah oo dadka wada dila, waxa uuna ku baaqay in maamulka Somaliland loola dagaalamo sida dagaalyahanada Al Shabaab.

” Hal hay’ad ayay isku yihiinAl-shabaab iyo Somaliland waana wada-shaqaystaan waxaana Laascaanood dadka ku laaya waa Somaliland iyo Al-shabaab oo wada-shaqaynaya, waxaana ku baaqi lahaa in si isku mid ah loola dagaalamo” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale cambaareeyay dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu toogtay magaalada Laascaanood xilli ay dhigayeen banaan baxyo ka dhan ah dilalka ka dhaca Laascaanood iyo maamulka Somaliland.

Ad
Previous articleGudoomiye Aadan Madoobe Oo Xiisadda Baydhabo Kala Hadlay Mucaaradka Lafta-Gareen.
Next articleMadaxweyne ISmaaciil Cumar Geele oo Soo Gaaray Muqdisho Si wayna Loogu Soo Dhaweeyey(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here