Home Wararka Maanta Dowlada Ruushka oo Diyaarado Dagaal ugu Deeqday Dalka Iiraan

Dowlada Ruushka oo Diyaarado Dagaal ugu Deeqday Dalka Iiraan

0

Dowladda Raashiya ayaa lagu soo waramay inay qorshaynayso sidii ay Jamhuuriyadda Islaamka Iran loogu deeqi lahaa Tobaneeyo Diyaaradaha Dagaalka ee Sukhoi Su-35.

Wakaallada Wararka Iran ee Tasnim News  Agency ayaa baahisay in la filayo in Diyaaradahaasi waqtiga ugu dhow la soo gaarsiin doono Iran.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Reer Galbeedka ayaa bilowgii isbuucan sheegay in Raashiya ay Iran Iran doonto 24 Diyaaradaha Dagaalka ee Sukhoi  Su-35, kuwaasi oo Qorshaha Rasmiga ahaa in la siiyo dalka Masar,  balse ay Dowladda Maraykanka ka fashilisay in Masar loo gudbiyo Diyaaradahaasi oo ah kuwa ugu caariyeysan Diyaaradaha Raashiya lagu farsameeyo.

Telefishinka Channel 12 iyo Wargeyska The Times of Israel ayaa iyagana laga soo xigtay in Duuliyayaal Iran mar hore loo tababaray Isticmaalka Diyaaradaha Dagaalka ee ay Raashiya siinayaan Ciiddanka Cirka ee Iran.

Diyaaradaha Dagaalka ee Sukhoi Su-35 fighter jet ee loogu deeqayo Iran waa nooca labada motor leh , ahna Diyaaradaha loogu yeero Jiilka 4aad (The fourth-generation twin-engine).

Wakaallada Wararka Tasnim News Agency waxay kaloo qortay in qaar ka mid ah Diyaaradaasi la dhigi doonaa Saldhiga Taatikada ee Ciiddanka Cirka (Tatical Air Base), halka 8 kalena fariisinkooda noqon doono Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Jamhuuriyada Islaamka ee Iran (The Islamic Republic of Iran Air Force (IRIAF) ee ku yaalla magaalladda Isfahan ee Bartamaha dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Cirka Iran horey uma haysanin Diyaarado Dagaal oo Cusub sanadihii la soo dhaafay, waxay horey u haysteen dhowr Diyaaradaha ee MIG-29 oo ay Raashiya ka iibsadeen sanadihii 1990-aadkii.

Xiriirka Dowladaha Raashiya iyo Iran ayaa u muuqda inuu sii xoogeystay, iyagoo Heshiiyo waa weyn oo dhinacyada Dhaqaalaha,  Ganacsiga, Tamarta iyo Iskaashiga Milliteriga kala saxiixday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Ad
Previous articleMagaalada Laascaanood oo Rabshado ka Socdaan Maanta, Dad Shacab ah oo lagu dilay
Next articleQarax ka dhacay Koonfurta Caasimada Stockholm, Warar laga helayo Qaraxa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here