Home Wararka Maanta Qadaafi oo ee Dadiis iyo Gabar ay Dhashay Sabab yaab leh ...

Qadaafi oo ee Dadiis iyo Gabar ay Dhashay Sabab yaab leh ugu Dilay si arxan Dara ah

0

Nin 20 jir ah oo u dhashay dalka Nigeria ayaa la soo weriyey inuu ku kacay fal dilal ah, kaddib markii uu ka carooday furiinkii hooyadiisa oo ay kala tageen aabihiis.

Booliska gobalka Kanu State ee dalka Nageria ayaa la sheegay inay xireen Eedeysanaha oo lagu magacaabo Qadaafi Saqir, kaddib, markii uu si bareer ah u dilay Islaan eedadiisa oo uu Aabihiisa u dhaxda oo lagu magacaabi jirey Malama Rabi iyo Gabar ay u dhashay aabihiisa.

Afhayeenka Taliska Boliska, Abdullahi Kiyawa oo la hadlay warbaahinta xaxaliga ayaa xaqiijiyey inuu dilkaasi xilli habeen ah uu ka dhacay tuullada Rijiyar Zaki oo u dhow Deegaanka Layin Dorawanayn ee gobalka Kano ee Waqooyiga dalka Nigeria.

Eedeysanaha oo ay booliska baaritaan ku sameeyeen waxa uu sharxay qaabka uu u dilay Eedadiisa iyo gabadha walaashiisa oo ay isku aabaha ahaayeen.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu eedadiisa ku dooxay bir mudac fiiqan leh, halka uu Walaaahiisa u adeegsaday dilkeeda ciiji uu ku hayay ilaa ay ka geeriyooto.

Eedeysanaha mar wax laga weydiiyey dilka eedadiisa waxa uu ku eedeeyey inay u sabab ahayd kala-taga hooyadiisa iyo aabihiisa, waa sida uu qiilka ka dhigtay ninkan gacankudhiiglaha ah.

Eedeysanaha ku jira gacanta ciidamada booliiska waxa kale oo uu dilka gabadha ay isku aabaha yihiin ku sababeeyey inay arkaysay markii uu dilayey hooyadeeda.

Dhanka kale, Guddoomiyaha deegaanka Ungoogo ee Gobalka Kano, Abdullahi Ramat waxa uu xaqiijiyey inuu eedeysanaha

Qadaafi Saqir uu u dilay eedadiisa, Marxuumad Malama Rabi inay ka dambaysay inay kala tagaan Hooyadiisa iyo Aabihiisa oo lagu magacaabo Malam Saqir Maimagani .

Ad
Previous articleShirka Aaya Ka Tashiga Gobolada SSC Oo Maanta Ka Furmaya Laascaanood
Next articleSenator Cabdiqaybdiid iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo lagu Soo Dhaweeyey Degmada Wisil(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here