Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii Ugu danbeeyey Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Warar kasoo Baxaaya Qarax goordhow Dhacay  ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa noo xaqiijiyey in qaraxaasi uu ka dhacay waddada 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi.

Sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxaas waxaa lala beegsaday gaari Prado ah oo wadada marayay.

Ilaa hadda lama ogaan cidda wadatay gaarigaas ee la bartilmaameedsaday, balse dadka nala hadlay waxay xaqiijiyeen in qaraxu uu haleelay gaariga.

Wadada uu qaraxaani ka dhacay ee 21-ka Oktoobar waxay ka mid tahay goobaha ugu badan ee Al-Shabaab ay dhigaan qaraxyada loo adeegsado miinada soo boodada ah.

Kooxda Al-Shabaab oo awoodi waysay inay Muqdisho soo geliso qaraxyadii ay ku soo rari jireen gaadiidka ayaa weli adeegsata qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda.

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay yareeyaan beegsigii joogtada ahaa ee Al-Shabaab ay u geysa jireen shacabka iyo masuuliyiinta dowladda.

Ad
Previous articleKooxda Alshabaab oo ku dhawaaqday in aysan heynin awood ay isaga difaacdo ciidamada ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri
Next articleMaamulka Puntland oo eedayn Culus u jeedisay Dowlada Federaalka soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here