Home Wararka Somaliya Jubbaland Dowlada Soomaaliya oo Go,aan lama Filaan ah kaso lo Saartay Maaamulkii Uu...

Dowlada Soomaaliya oo Go,aan lama Filaan ah kaso lo Saartay Maaamulkii Uu axmed Madoobe umagacaabay Gobalka Gedo

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan maamulka cusub ee madaxweynaha Jubbaland u magacaabay gobolka Gedo, oo sanado badan ay ka taagned xiisad u dhaxeysa isaga iyo siyaasiyiinta beel ahaan kasoo jeeda gobolka qaarkood.

Guddoomiyaha gobolka ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa soo dhoweysay magacaabista maamulka cusub ee madaxweyne Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo.

Waxay sheegtay in sanadihii u dambeeyay si dhow ula socotay xaaladda gobolka Gedo, islamarkaana ay hadda soo dhaweynayso tallaabada cusub ee uu qaaday maamulka Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay Kismaayo.

“Wasaaraddu waxay u hambalyeyneysaa maamulka cusub ee uu madaxweynaha Jubbaland u magacaabay gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Gobolka Gedo ayaa ah gobol inta badan aan gacan ugu jirin maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna intii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga xukumi jiray Villa Somalia.

Waxaa weli intiisa badan gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, balse uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo.

Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay awood ciidan ku joogaan gobolka.

Waxaa dhowaan Muqdisho loo diiday inay kasoo kacdo diyaarad sidday mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasi oo dhalisay is-mari-waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii gobolka Gedo.

Ad
Previous articleSahra Buulle oo Mudo Todobaad ah Meydkeeda la layahay iyo Booliska oo Xiray Ninkii Dilkeeda ka Danbeeyey
Next articlePuntland oo Dowlada Federalka Eed Culus usoo Jeedisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here